Dabley Hubeysan Oo Weerartay Saldhigga Magaalada Qadho iyo Sababta.

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan dabley hubeeysan oo weerar ku qaaday saldhiga ciidamada booliska magaalada burtinle ee maamulka puntland .

Sida wararka aynu ku heleyno, dableydani ayaa waxaa la sheegay in ay ka gadoodsanyihiin dhalinyaro ay isku heyb yihiin oo ku xiran saldhigaasi oo la sheegay in dhawaan loosii gudbin doono maxkamadda magaalada garoowe,waxaana dableydani ay kasoo horjeedaan in dhaliyaradaasi loosii gudbiyo maxkamadda magaalada garoowe.

Weerarka ayaa ka dhashay Khasaarooyin kala duwan inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi .

Sidoo waxaa in muddo ah hakad galay isu socodka dadka iyo ganacsiga magaalada burtinle.

Laamaha ammaanka magaalada burtinle ayaa wali ka hadlin arintaan ku aadan weerarka dableyda hubeysan ay ku qaadeen saldhigga ciidamadda booliska magaalada burtinle.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here