Allaha u naxariisto Gen. Farxan Max’uud Aadan (Qaroole) Taliyihii qeybta Booliska gobolka Banaadir ayaa ku geeriyooday qarax miino ah oo jidka lagu aasay isaga iyo kolonyo ciidan ah uu la socotay.
Saraakiil ka tirsan ciidamadda dowladda oo xaqiijiyay geerida Qaroole ayaa tilmaamay inuu geeriyooday xili uu howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka waday deegaano dhaca duleedka Muqdisho oo intooda badan laga saaray Al-Shababa.
Alle ha u naxriisto Gen. Farxaan Maxamuud Aadan ( Qaroole), waxa uu ahaa Sarkaal da’yar, waxa uuna hadda ahaa Taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir.
Waxa uu sidoo kale horay usoo noqday Taliyaha gaarka ah ee Ciidanka Haramcad oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya, si gaar ahna ugu tababaran la dagaallanka al-shabaab.
Farxaan waxa uu muddadii uu Qaranka u adeegayay qabtay howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab, isaga oo dhowr jeer ka qaybqaatay xorreeynta iyo difaaca goobo Shabaab ay weerareen.
Geerida Qaroole ayaa la rumeysan yahay iney saameyn weyn ku yeelaneyso dowladda, kasokow inuu ahaa taliyaha booliska gobolka Banaadir, wuxuu sidoo kale ahaa taliyaha ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, wuxuu a ahaa sarkaal dhalinyara ah oo si dhow u yaqaana xeeladaha dagaal Al-Shabaab.

