Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegay deegaanno ka tirsan shabeelooyinka, kadib howlgal Qorsheysan oo Waaberigii Saakay ay ka fuliyeen deegaanka Basra iyo Tuulooyin kale.
Tuulooyinka ay sida buuxda ula wareegeen Ciidamada waa 9 tuulo hooostaga labada shabeelle.
Basra,Sapyo,Baqdaad, Beled Al Kariim,Baldooska,Alifoow,Muryaley,Daniga Balow,Buula Xansholey,waxayna dhammaantood ku teedsanyihiin Wabiga Shabeelle.
Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay burburiyeen Saldhiggii ugu weynaa Alshabaab ee Deegaanada ay la wareegeen, islamarkaana aysan jirin wax iska cabin ah oo ay ciidamadu la kulmeen inta howlgalku Socday.
Deegaanka Basra waa degaan Istiraatiiji ah oo isku xira gobalada Shabeellada Hoose iyo Shabeelada Dhexe.
Sidoo kale Alshabaab ayaa Basra kulahaa Saldhig wayn oo ay kasoo abaabuli jireen weeraradda lagu qaado Saldhigyadda Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.







