Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamuud ayaa sheegay in xaafkiiska xeer ilaaliyaha uu si rasmi ah u bilaabay dagaal dhinaca maaliyadda ah oo ka dhan ah Al-Shabaab.
Muuqaal uu soo duubay oo lagu baahiyay bartiisa Twitterka ayaa lagu sheegay inay baaris iyo dabagal ku hayaan shakhsiyaad uu ku sheegay inay ku eedeysan yihiin dambiyo la xiriira lacag dhaqidda iyo maalgelinta Al-shabaab.
“Sida ay geesiyaasha ciidameenna Soomaaliyeed ee qalabka sida iyo kacdoonka bulshadu ay u wadaan dagaallo naf-hurnimo ah oo ka dhan ah kooxda argagixisda ah, waxaan halkan ku iclaaminayaa dagaal maaliyadeed oo ka dhan maal-gelinta argagixisda iyo dadka gacanta kula jira dambiyada lacag dhaqidda. Waxaan kula diriri doonnaa gudaha iyo dibadda meel walba oo ay joogaan,” ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud Sulaymaan Maxamuud.
“Dambiyadan ayaa keenaya inuu kobco dhaqaalaha maleeshiyada argagixisada ay ku maalgelinayaan burburinta bulshadeenna Soomaaliyeed, sidaa daraadeed xaafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka wuxuu si dhow u daba socdaa isaga oo kaa shanaya hay’adaha baarista iyo kuwa caalamka dhaq-dhaaqyada maaliyadeed ee lagu dhaqayo lacagaha, laguna maalgelinayo argagixisada,” ayuu yiri xeer ilaaliyuhu.

