Taliska Ciidanka dalka ayaa beeniyay warar ay baahiyeen Alshabaab oo sheegaya in ay qasaaro gaarsiiyeen Ciidanka gaarka ah ee militariga Soomaaliya ” Danab” ee howlgalka ka fuliyay deegaanka Bukh-aqable oo 40km u jira degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.
Taliska waxaa uu sheegay xaqiiqda ay tahay in hawlgalka uu u dhacay si guul ah, Ciidankana dileen 18 ka mid ah Al-shabaab oo ay ku jiraan saraakiil islamarkaana ay burburiyeen xaruntii Alshabaab ee deegaanka Bukh-aqable.
Gudomiyaha Al-shabaab ugu Magacaaban Gobolka Hiiraan Sheekh Guulee Abuu Nabhaan ayaa sheegay in dagaalo ka dhacay deegaanka Bukh-aqable lagu dilay askar iyo saraakiil ka tirsanaa Dowladda Soomaaliya.

