Akhriso:-Ciidamadda NISA oo Qabtay 10-shabaab ah, Hub iyo Gaadiid Dagaal

0
Ciidamadda Amniga ayaa xiray toban ka tirsan Alshabaab lana wareegay xarumo qarsoodi ah iyo agab dagaal.
Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo ku duulaya xog sugan oo ay ka heleen shacabka Muqdisho ayaa qaaday hawlgal qorsheysan oo ay ku soo qabteen 10 ka tirsan  Al-Shabaab, ayaga oo sidoo kale la wareegay saddex xarumood oo ay si dhuumaalaysi ah u joogeen, Gaadiid iyo Hub magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa hawlgal kan ku burburiyay shabakad ka tirsan Al-shabaab oo abaabulayay dilal iyo falal amniga lid ku ah.
Xubnaga la qabtay ayaa isugu jira dagaalyahano loo diyaariyay beegsiga shacabka, kuwa dhaqaatiir ah oo loo diyaariyay hadii ay wax soo gaaraan dagaalyahanadda inay daaweeyaan iyo xubno  kale oo qaabil sanaa deegamaynta iyo u adeegidda Al-shabaab.
Dowladda Soomaaliya oo ay ka go’antahay ciribtirka Al-shabaab, una mahadcelinaysa shacabka Soomaaliyeed ee xogtaan la soo wadaagay, ayaa waxay ugu baaqaysaa dhalinyarada ay marin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here