Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay Al-shabaab in ay Miino la qarxiyeen dad shacab ahaa oo safar ku jirey.
Falkaan ayaa ka dhacay meel u dhow deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan.
Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in falkaas ay ka dambeeyeen Al-shabaab,islamarkaana dadka shacabka ah lagu dilay.
“Al Shabaab ayaa miino nooca dhulka la galiyo ah ku Qarxiyay gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah oo marayay meel u dhow deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan.
Gaariga ayaa waxaa saarnaa afar ruux waxaana uu kusii jeeday deegaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan, waxaa qaraxa ku dhintay saddax Ruux oo ka mid ah nabadoonada caanka ah ee gobolka hiiraan, arrinta xanuunka badana ay tahay in wiil iyo aabahiis Alle ha u naxariiste ay ku jiraan dadka ku dhintay Qaraxaas.
“Al Shabaab oo u bareeri waayay in ay wajahaan kacdoonka Shacabka oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka ayaa bilaabay in si dhuumaaleysi ah ay wadooyinka Qaraxyo ugu galiyaan dadka safarka ah, taasoo muujineysa taag darida cadowga”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.

