Baarlamaanka Galmudug oo Yeelanaya Kulanka Shaki Badan uu Hareeyay

0

Baarlamaaanka Maamulka Galmudug ayaa maanta kulan ku yeelanaya Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulkaas.

Kulankaan oo shaki badan uu hareeyay ayaa shalay la iclaamiyay in uu maanta qabsoomi doono,sida uu shaaciyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Sida wararka ay sheegayaan, Ajendaha kulanka ayaa ah sidii baarlamaanka loo horkeeni lahaa Qorshaha dib u eegista Dastuurka Galmudug, si ay uga doodaan.

Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa damacsan in si lamida maamulada Jubaland iyo Koofur Galbeed iney sameystaan hal sano oo mudo kororsi ah, iyadoo aan la ogeyn sida dowladda ay uga falcelin doonto arrintaasi.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here