Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ismiidaamin ah oo xalay ka dhacay tuulada Milxo oo ku taalla buuraleyda Calmdaow ee gobolka Sanaag.
Qof isku soo xirey waxyaabaha qarxa ayaa beegsaday maqaaxi lagu shaaxo, laguna qayilo oo ay fadhiyeen dad weyne badan oo shacab ah.
Inta la xaqiijiyay waxaa qarax ku dhintay 5-ruux,halka ay ku dhaawacmeen 10-ruux kale oo dhaawacyadooda loosoo qaaday Magaaladda Boosaaso ee Gobolka Bari.
Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay tuulada Milxo oo ku taalla buuraleyda Calmdaow ee gobolka Sanaag.

