Akhriso:-Doodo Maanta Hareynaya Shirka Madaxda DFS Iyo Maamulada Dalka

0

Shirka Madasha Watashiga Qaran ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Dowladd Goboleedyadda ayaa maanta galaya maalintiisa labaad.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa ka qeyb galayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hiirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo uga qeyb-galay aaladda Fogaan aragga.

Ajendaha shirkaan ayaa ah Amniga, Lacagta ka timid World Bank oo sida loo qeybsanayo la isku fahmin, Kala aamin baxa siyaasadda ee maamilada iyo DFS, Muddo kororsiga madaxda maamulada iyo Safarka madaxweynaha ee New York oo uu ku doonayo inuu ku muujiyo madaxda Soomaalida.

Maanta ayaa lagu wadaa in shirka laguda galo,islamarkaana laga doodo qodobadda la isku hayo, waxaana laga cabsi qabaa in arrimaha qaar ay buuq culus fadhiga ka dhex abuuraan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo waqtiga ku yar yahay madaama uu ka qeyb galayo caleema-saarka Madaxweynaha Kenya ayaa lagu wadaa in shirka uu ka tago,maalinta bari ah.

Waxaa suura gal ah inuu shirka sii daadihiyo raisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xamze Cabdi Barre oo xaadir ku ah hoolka kulanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here