Madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka kooban Wasiirro, Xildhibaanno iyo maamulka degmada Baxdo ayaa gaaray deegaanka Maarsamage ee ku yaalla bariga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.
Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhagestay odayaasha iyo hogaanka ciidanka deegaanka oo ah shacab iskood isku abaabulay kuwaasoo u diyaar garoobay la dagaalanka kooxda Al-shabaab, waxayna sheegeen odayaasha inay diyaar u yihiin in ay ku jihaadaan wax ay ugu yeereen argagixisada duullaanka ku ah dhiigga iyo hantida umadda Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug ayaa sheegay in Wasaaradaha qaabilsan arrimaha bini’aadanimada ay dadka deegaanada ay gaarsiin doonaan gargaar dhankasta leh, waxuuna baaq u diray hay’adaha arrimaha gargaaka inay dadka deegaanada abaarta iyo colaada ka jirto ay soo gaaraan.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa la hadlay odayaasha iyo dadka deegaanka ee iskood isku abaabulay, waxana uu bogaadiyay dadka deegaanka sida geesinimada leh ee ay ugu diyaar garoobeen la dagaalanka argagixisada arxan laawayaasha ah sida uu yiri, waxuuna intaas ku daray in dowladdu ay garab taagantahay had iyo goor dadka shacabka ah ee u’istaagay inay iska dulqaadaan, isagoona ugu danbayn baaq u diray hay’adaha gargaarka inay degdeg u soo gaaraan dadka ku sugan guud ahaan deegaanada Galmudug.

