Kooxo hubeysan ayaa xalay Magaaladda muqdisho ku dilay Wiil dhalinyaro ahaa oo kamid ahaa shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir.
Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda buur-ubax ee Degmadda Holwadaag ee gobolka Banaadir.
Marxuumka la dilay oo la oran jiray Liibaan Xaabsey ayaa la sheegay in lagu toogtay xaafada Baar Ubax ee degmada Howlwadaag ka dib markii ay rasaas ku fureen dabley hubeysan.
Liibaan ayaa la sheegay iney walaalo yihiin Gudoomiyaha degmada Warta Nabada ee magaalada Muqdisho Seynab Xaabsey.
Lama oga ilaa hadda sababta loo dilay iyo cida ka dambeysay, mana jiro illaa hadda war ka soo baxay laamaha amaanka Dowladda Soomaaliya oo la xiriira dilkan.

