Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay Magaaladda Jowhar ee caasimadda Maamulka Hir-shabeelle.
Qaraxa ayaa ahaa mid lagu xiray Gaari NOAH ah oo ku sugnaa halka loo yaqaano todobada Geed oo kasoo horjeeda Hotelka Nuur Doob ee dhawaan qaraxa ismiidaaminta ah lagu weeraray.
Sida ay inoo sheegeen goob-joogayaal,qaraxa ayaa dhacay xili ay baaritaano ay ku wadeen ciidamadda Booliska Maamulka Hir-shabeele.
Dhanka kale Illaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxan, Hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxaan ay ku dhaawacmeen dhowr ruux oo goobta ku sugnaa.

