Baarlamaanka oo codka kalsoonida siiyay Golaha wasiiradda Xukuumadda Federaalka

0

Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Golaha wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu dhawaan ku dhawaaqay Raisulwasaare Xamza Cabdi Barre, iyo barnaamijka siyaasadeed ee Xukuumadda.

Sida gudoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu ku dhawaaqay 229 xildhibaan ayaa ogolaatay in codka kalsoonida la siiyo wasiiradda, halka 7 Xildhibaan ay diideen, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan.

Intaasi kadib gudoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed oo madasha goob joog ka ahaa ayaa isla goobta ku dhaariyay wasiirada cusub ee maanta helay codka Kalsoonidda Golaha shacabka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here