Qarax Lala Beegsaday Xiradda Ciidamadda Gor-gor ee Duleedka Baladweyne

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lala beegsaday xero ay degan yihiin ciidanka xoogga dalka oo ku taalla duleedka magaalada baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Sida ay sheegeen Laamaha amaanka,Ciidanka Xoogga dalka ayaa fashiliyay gaari nooca xamuulka ah oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa kaasoo lala dooneyey in gudaha loo geliyo xerada ciidanka xoogga  ku leeyihiin degaanka Kala-beyr ee gobolka Hiiraan.

3 askari ayaa ku dhintay qaraxaas, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay saddex kale sida ay sheegtay warbaahinta dowlada.

Laba xidigle Takar Subagle oo ahaa taliyaha horinta sadexaad, ururka 1-aad ee GORGOR sidoo kalana soo noqday taliyihii Amniga doorashooyinkii Baladweyne ka dhacday. ayaa la xaqiijiyay inuu kamid yahay sadaxda Askari oo ku dhimatay qaraxan.

Ciidamadan maanta qaraxa lagu weeraray ayaa ujeedada loo geeyay degaankaas waxay tahay in ay qeyb ka qaataan gulufka lagu doonayo in Al-Shabaab lagaga saaro degaano xuduudda u dhow oo bilahii ugu dambeyay in dhaqdhaqaaqyo ka wadeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here