Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aadan Xukuumadda cusub ee Soomaaliya ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in Jubbaland ay taageersan tahay Xukuumadda cusub, isla makraana ay ku boorrineyso Baarlamaanka inuu ansixiyo.
Lugadheere oo wareysi siinayay VOA-da ayaa xusay in Xukuumadda cusub ay ku jirto danta dalka, dadka iyo diinta, waxaana uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamze Aar.
Taageerada Jubbaland ee kasoo yeertay Madaxweyne kuxigeenka labaad Cabdulqaadir Lugadheere, ayaa imaanaysa xilli shalay ay War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo dhiggiisa Galmudug ay si beel ahaan ah uga horyimaadeen Xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamze, iyagoo sheegay in dhismaheedu uu hareer marsan yahay nidaamka saami qeybsiga siyaasadda ee dalka (4.5).

