Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo ka dhacay magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Qaraxyadda oo mid kamid a loo adeegsaday Mooto Bajaaj ayaa ka dhacay Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan afafka hore ee maqaaxida lagu magacaabo Fatxi oo ku taala nawaaxixiga laamiga Taleex.
Qaraxa labaad ayaa daqiiqado ka dib ka dhacay meel aan ka fogeyn isgoyska Km4.
Dhanka kale Ciidamadda booliska ee degmada Hodan oo uu hoggaaminayo Taliye Xuseen Cadceed ayaa xirtay nawaaxiga goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana laga celinayaa dadweynaha iyo gaadiidka, iyadoo la dalbay ciidamadda Miina baarka.

