Madaxweynaha Maamul gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa gaaray dalka Itoobiya, ka dib markii uu casuumaad ka helay Itoobiya.
Socdaalkiisa ayaa kusoo beegmaya xilli xaduuda Koonfur Galbeed ay la wadaagto Dowlad deegaanka Soomaalida ay weeraro ka bilaabeen todobaadyo kahor kooxo isbaheystay oo Argagixiso, sida ay shaacisay Itoobiya.
Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa dhawaan lagu soo daray Mukhtaar Roobow oo dawladda Itoobiya ugu jira Liiska shaqsiyaadka Argagixisada ah, ee ay mudo baadi-goobaysay.
Talaabada ayaa loo aaneynayaa in ay Addis Ababa doonayso saameynteeda gobalka in ay qeyb ka tahay, Kumanaan Askari oo Itoobiya kasocda ayaa hadda jooga Baydhabo, waxayna gacanta kuhayaan amniga goobaha muhiimka ah, Todobaadkan ayaa isbedel lagu sameeyey taliska hoggaanka, iyadoo xaduudaha Baay iyo Bakoolna la keenay ciidamo cusub.

