Ciidamadda Dowladda iyo Kuwa ATMIS oo Fuliyay Howlgalo Ka Dhan ah Al-shabaab

0

Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan ururka 25-aad, guutada 6-aad ee qeybta 60-aad iyo kuwa ATMIS qeybtooda Baraawe oo iskaashanaya ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab waxay ka fuliyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Baraawe iyo Sablaale ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Deegaanada Daaboole, Xaliima-yaale, Ceelxiiran, Barooddooy iyo Bulxaluud oo gacanta ugu jiray Al-shabaab ayaa howlgalkaas lagu xoreeyey.

Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale Xarago oo ah taliyaha ururka 25-aad ee xoogga dalka oo howlgalka hoggaaminyay ayaa xaqiijiyay inay Al-shabaab ka xoreeyeen deegaanadaas oo ay burburiyeen goob kastoo ay fariisin ku la haayeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here