Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa raaligelin ka bixiyay warkii horay uga baxay isla Madaxtooyada ee ahaa in Madaxweynaha Soomaaliya uusan la qabin warkii uu sheegay Madaxweynaha Masar ee ku saabsanaa Webiga Niil.
Afhayeenka Villa Somalia Cabdikarim Cali Kaar oo hadalkaas ka dib shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in madaxda Somalia iyo Masar aysan ka wada hadlin khilaafka ka taagan qeybsiga biyaha webiga Niil, wuxuuna xusay Madaxweyne Xassan Shiikh uusan la qabin hadalka ka soo yeeray Al-Sisi.
“Waxaan isku mowqif ka nahay khatarta ay leedahay siyaasadaha halka dhinac ah ee ku aaddan hirgelinta mashruucyada la xiriira webiyada caalamiga ah iyo sida ay lama-huraan u tahay inuu jiro iskaashi iyo wadatashi dhexmara dowladaha uu wabigu maro, si loo dammaanad qaado in aanay dhibaato soo gaarin mid kamida dowladahaas, arrinkaasuna waa mid la jaanqaadaya xeerarka qaanuunka dowliga ah”ayuu yiri Madaxweyne Abdelfatah Sisi horaan.


