Al-shabaab ayaa xukuno ku fuliyay dad lagu eedeeyay in ay la shaqeynayay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wadamadda Shisheeye.
Xukunkaan ayaa ka dhacay Fagaare kuyaal deegaanka Buulay ee gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ragga xukunka lagu fuliyay oo gaaraya 6ruux ayaa lagu eedeeyay in ay la shaqeynayeen Dowladaha Mareyanka iyo Soomaaliya.
Qaadiga Maxkamadda Al-shabaab ee Gobolka Bay oo bayaan ka akhrinayay xukunka maxkamadda ayaa mid mid ufaah faahiyay dambiyada lagu helay lixda ruuxda ee goobta fagaaraha ah lagu dilay.
Qaar kamid ah basaasiinta ayaa mas’uul ka ahaa sida shabaab ay sheegeen dilalka saraakiil katirsan Al Shabaab, odayaal dhaqameedyo iyo rag kale.
Ragga ladilay ayaa badankood ushaqeynayay sirdoonka Mareykanka iyagoo usoo marayay sirdoonka DF-ka qeybta magaalada Baydhabo.

