Ugu yaraan 17 xubnood oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee Congress-ka Mareykanka ayaa lagu xiray mudaaharaad xuquuqda ilmo iska soo rididda oo ka dhacay magaalada Washington.
Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib iyo Ilhaan Cumar ayaa ka mid ahaa mudaneyaasha xabsiga loo taxaabay iyo tobanaan shacab kale oo lagu xiray agagaarka Maxkamadda Sare.
Shaqsiyaadkan ayaa markii la xirayay waxay ku dhawaaqayeen hadalo ay kamid yihiin “Jirkeena ma jeebayn kartaa”waxaana ay uga soo horjeedaan sharci mamnuucaya in dumarka iska soo ridaan caruurta.
Ilhaan oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa si weyn looga hadal-hayaa baraha bulshadda Soomaaliya waxaana la qaadaadhigayaa casharka ay siyaasiyiinta maxaliga ah ka baran karaan.
Qoraal ay ku daabacdey ciwaankeeda Twitter-ka ayay ku difaacdey talaabadeeda kuna adkeysatat in ay sameyneyso wax kasta “si aan u difaacano xuquuqdeena aad-aasiga”.
Mudaneyaasha ayaa gacmaha laga jeebeeyay xilli ay ka qeybgalayeen mudaaharaad ballaaran.
Dadwayne iyo wariyeyaal Soomaali ah ayaa kamid ah dadka ka falcelinaya waxaana ay sheegayaan in dalku u leeyahay in uu wax ka barto dalalka horumaray islamarkaana mas’uuliyiinta loola xisaabtamo sida rayidka.
Soomaaliya waxaa ka dhaqan-galay nidaam xeerinaya in Xildhibaanka uu leeyahay xasaanad islamarkaana aanan xabsi loo taxaabi karin haddii uu ku kaco falal liddi ku ah dowladnimada iyadda oo aan xasaanada laga qaadin.

