Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn ay la beegsadeen saldhig Xarakada Al-shabaab ay ku leeyihiin Gobolka Jubadda Hoose.
Duqeyntaan ayaa ka dhacday deegaan la yiraahdo Labikuus oo dhaca Waqooyi Galbeed Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.
War kasoo baxay Taliska Mareykanka ee qaaradda afrika ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay xubno ka Tirsanaa Al-shabaab,islamarkaana khasaare uusan soo gaarin dadka shacabka ah.
“Ciidamada Maraykanka ayaa loo fasaxay inay fuliyaan weeraro ay ku difaacayaan ciidamada kajooga Soomaaliya. Qiimeynta hordhaca ah ee taliska helay ayaa sheegaya in labo ka mid ah Al-Shabaab lagu dilay howlgal iyo in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama lagu dilay” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Mareykanka.

