Puntland oo Beenisay in Deni Dhaqaalihii PL Ku Galay Doorashadii Madaxweynaha

0

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi (Abgaal) ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka ku saabsan in khasnadda dowladda laga bixiyay lacagtii uu doorashada ku galay madaxweyne Deni.

Wasiir Abgaal oo ka jawaabayay su’aal uu weydiiyay xildhibaan Cabdiqani Faarax Dhaashane oo ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa beeniyay in Wasaaraddu  wax lacag ah ku bixisay dhaqaalihii uu doorashada Soomaaliya ku galay Siciid Deni.

Wasiirka ayaa tilmaamay in khasnadda Puntland ay lacagtu ku gasho hannaan sharciga waafaqsan islarkaana uga baxdo si sharciya oo aysan jirin lacag iska baxda.

Si kastaba, Dadka qaarkii ayaa rumeysan in Siciid Deni oo wareegii koowaad codad badan uga gudbay doorashadii madaxtinimo ee 15-kii May ka dhacday magaalada Muqdisho uga baxday lacag malaayiin doolar ah

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here