
Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa xalay howlgal gaar ah ka fuliyay saddex kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana howlgalkaasi intii uu socday lagu soo qabtay, hub, waxyaabaha maanka dooriya iyo qaar kamid ah rag falal amaan daro ku howlanaa.
Holwagalaan ayaa ka dhacay Degmooyinka Heliwaa,Yaaqshid,iyo Degmadda Kaaraan oo dhibaatooyin badan laga soo sheegayay.
Ciidamada ayaa inta howlgalka socday soo qabtay hub iyo rasaas lagu qariyay jawaano, waxyaabaha maanka dooriya iyo rag ku eedeesan falal amaan darro, waxa ay sidoo kale ciidamada burburiyeen sandaqado lagu iibinayay waxyaabaha maanka dooriya.
Taliyaha Booliiska qaybta Bari, Gaashaanle Cali Calosoow Xasan (Goof-jooge) ayaa sheegay inta howlgalka socday soo qabteen waxyaabaha maanka dooriya, hub iyo sidoo kale rag falal amaan darro ku howlanaa ay ku jiraan ciyaal weero.
