Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Kulan La Qaatay Raisulwasaare Xamze

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Salaan iyo Hambaliyo ugu tagay Ra’iisul Wasaaraha Cusub XFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo Eebbe uga Rajeyey in la garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday.

“Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa caawa hoygiisa ku soo booqday Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre, isagoo ugu hambalyeeyay in uu helay kalsoonida Golaha Shacabka, una rajeeyay in Eebbe la garab galo waajibaadka qaran ee hor yaalla” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here