Golaha Shacabka oo Codka Kalsoonida u Qaadayo Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban.

0

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta bari ah kulan ku yeelanaya Magaaladda Muqdisho.

Ujeedaha Kulanka ayaa ah u codeynta kalsooni siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban  Mudane Xamsa Cabdi Barre, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Golaha Shacabka.

“Beri oo Sabti ah 25 June waxaa jira kulan-weynihii Golaha Shacabka Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Ajendaha kulanka u codeynta kalsooni siinta R/Wasaaraha magacaaban.”

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamza Cali Barre ayaa maalmihii dambe waday kulamo uu la qaadanayay Xildhibaanadda Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,wuxuuna ka dalbanayay in ay codka kalsoonida siiyaan si xukuumadd usoo dhiso.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here