Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo xalay Degmadda Dharkinley ku dilay wiil iyo adeerkiisa oo shaah ka cabanayay goob Maqaayadd ah.
Falkaan ayaa si gaar ah kaga dhacay Xaafada Suuq Liif Degmadda Dharkinley ee Gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal ragga adeerka iyo wiilka la dilay ayaa lagu kala magacaabi jirey Cabdi Cismaan (Cabdi Yare) iyo Xuseen Cabaas Cismaan,waxayna kamid ahaayeen ragga dalaaleyda guryaha iyo dhulalka.
Ciidamo boolis ah uu horkacayay talIyaha saldhigga booliska degmadaasi ayaa tegay halka dilka uu ka dhacay, iyagoo sameeyay baaritaano, inkastoo aysan ku guuleysan iney gacanta kus oo dhigaan ragii dilka geystay.

