Ciidanka kumaandooska Danab XDS Gaar ahaan Hurinta Gaadiidka Gaashaman ee MU ayaa Hawlgalo lagu Xaqiijinaayo Amaanka ka sameeyey deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Hawlgalkan ayaa Ciidanku waxay ku soo qabteen laba ka mid ah Al-Shabaab halka ay ku burburiyeen Goob si Qarsoodiya Shabaab ugu kaydin jireen waxyaabaha ay ku marin habaabiyaan bulshada kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Cajalado DVD, Bugaag iyo kaydiyaal kale waxa sidoo kale goobta laga helay Baasabooro Farabadan.




