Ku-simihii hore ee hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA, Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo kamid aheyd Hay’adda NISA iyo eedaha hay’adda Loo jeediyay intuu kamid ahaa.
Wareysi uu bixiyay ayuu ku sheegay in Kiiska Ikraan Tahliil uu jiro,balse uusan waxba ka ogeyn dilkeeda ayna ka dambeeyeen Al-shabaab.
Dhanka kale Ku-simihii hore ee hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA, Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa cafis ka dalbaday qof walba oo dhib ka tabanayo.
“Waxaan ciidamada qaranka ku soo dhex jiray 13 sano oo dalkaan waan u soo dakanoobay, hadda waxaan ku biiray baarlamaanka, waxaan soo noqday taliye degmo, taliya qeybta gobolka Banaadir ee NISA iyo Taliyaha guud ee hey’adda NISA, weligey gacanteyda, amar aan bixiyey ama aan ogahay, laguma dhibaateyn qof Soomaaliyeed, waxaana dalbanayaa cafis guud,” ayuu yiri Yaasiin Farey.
