Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saari doonto howlgallada dalka looga xoreynayo kooxda argagixisada ah ee Al -Shabaab.
Madaxweynaha ayaa qalabka isgaarsiinta Xoogga Dalka kula xiriiray qaar ka mid ah saraakiisha iyo ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan jiidaha dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab, waxa uuna ku bogaadiyey sida naf-hurninada leh ee ay dharaar iyo habeen walba heegan ugu yihiin difaaca dadkooda iyo dalkooda, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu la wadaagay ciidamada sida ay dowladda uga go’an tahay xaqiijinta amniga guud ee dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeerkiisii ugu horreeyey ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga kaddib dib u doorashadiisa ayaa u kuur galay xaaladda Ciidamada Qalabka Sida, waxaa uuna muujiyey sida ay dowladda Federaalka uga go’an tahay xaqiijinta amniga guud ee dalka.

