Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ka fuliyay deegaanka yaaqxaluul ee gobolka jubbada hoose, ee Maamulka Jubb-land.
Howlgalka oo ahaa mid qorshaysan ayaa lagu dilay madaxii Al-shabaab u qabilsanaa dhibatayta dadka shacabka ah,kaas oo oo lagu magcaabi jiray yaasiin carab,sida lagu sheegay war kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
“Howlgalkaan oo ka dhacay qiyaastii meel 55-km u jira magaalada kismaanyo ,ayaa warku intaa ku daray in lagu dilay 10 dhagarqabe oo ka mida al shabaab”,ayaa lagu yiri war kasoo baxay Taliska Ciidamada ururka 5aad ee guutada16 ee kumaandooska danab”, ayaa lagu yiri warka Taliska guutada16 ee kumaandooska danab.
Waxa kaloo Al-shabaab laga soo furtay 2 qori oo nuucoodu yahay Ak-47 iyo hal qori BKM ah, sida uu warbaahintaqaranka u xaqiijiyey taliye Carab Dheeg Axmed oo ah taliyaha ururka 5-aad guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka somaliyeed ee danab.

