Warar soo baxaya ayaa sheegaya in la xaliyay khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Axmed Karaash.
Ilo lagu kalsoonan karo ayaa sheegaya in odayaasha Maamulka Puntland ay ku guuleysteen in ay xaliyaan khilaafka labadda Mas’uul oo salka ku haya arrimaha hogaanka Maamulka.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni oo dhawaan isku sharxay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la kulmay cadaadis kaga yimid ku-xigeenkiisa oo sheegay in Puntland uu isaga maamulo,madaama saciid Deni uu hamiyay Xilka Federaalka.
Xiligii olalaha doorashadda oo Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni oo ku sugnaa Magaaladda Muqdisho, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa isbadalo ku sameeyay maamulka Puntland.
Dhowr wasiir ayaa shaqada ka eryay, halka kuwa kale uu magacaabay,inkastoo aysan dhaqan galin dhamaantooda.
Wasiir ka Tirsan Maamulka Puntland ayaa laga soo xigtay in odayaasha Maamulka Puntland ay dalab hor dhigeen Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa.
“Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenku waxay u jihaysteen in mudda xileedka u haray ay Puntland shaqa la yaqaan ka qabtaan” ayuu yiri wasiir ka tirsan Maamulka Puntland.

