Agaasimaha guud ee Heya’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida qaran Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa Taliyaha Heya’adda Sirdoonka Gobolka Banaadir u magacaabay Muxiyadiin Warbac shadoor.
Muxiyadiin Warbac Shadoor ayaa ka mid ahaa saraakiisha Heya’adda mudada dheer ka tirsanaa kaas oo Khibrad dheer u leh dhinaca amniga ah.
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa horay Muxuddiin Warbac ugu magacaabay taliyaha NISA ee gobolka Banaadir, hase ahatee waxaa ka horyimid Farmaajo oo khilaafkii hoggaanka NISA xiligaasi ka taagnaa ayaa lagu burburiyay magacaabistaasi.

