Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo Ku Wajahan Magaalada Baydhabo

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaban-qaabo lagu soo dhaweynayo wafdiga Madaxweynaha ayaa laga dareemayaa Magaaladda baydhabo,waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka Magaaladda.

Ujeedka Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ee Magaaladda Baydhabo ayaa ah la tashiyo arrimaha siyaasadda iyo isbadalka dalka ka dhacay.

Intuu Madaxweyne Xasan Shiikh ku sugan yahay Magaaladda baydhabo waxa uu xariga ka jari doonaa Madaxtooyadda cusub oo laga dhisay Magaaladda.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu Madaxweyne Lafta gareen kala hadli doono wararka ku aadan in maamulkiisa lagu furi doono mowjado siyaasadeed.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here