Raisulwasaare xil gaarsiinta Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hal arin kaga digay Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.
Isagoo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayuu ugu baaqay Xasan Shiikh Maxamuud in uu iska ilaaliyo in uu dalka yeesho milkiile ama shaqsi si gaar ah oo awoodda Dowladda wax weliba uga soo sameysanaya.
Waxa uu sheegay In dalkaan uusan u baaheen in Milkiile loo yeelo,ayna shacabka soomaaliyeed soo arkeyn dhibaatadda Milkiilaha uu leeyahay.
“Waxa aan kula talinayaa oo Shacabka ay jecel yihiin ay tahay, Milkiile ka ilaali dalkaan, adigaa ka mas’uul ah, waan kuu sheegayaa marka 1aad, mar labaad, Mar 3aad Milkiile dalkaan ka ilaali, nin ku keensaday ma jiro, Soomaali adiga ayay ku dooratay, dadkii Soomaalidu soo dooratay ee ah Xildhibaannadaas ayaa ku doortay, Xildhibaankii ugu yaraan 60 ama 70 kun ayaa soo dooratay oo uu metalaa, walaalow Xasanow waddooyinkii Soomaaliya ay ku duntay waxaa kamid ah Milkiile, go’aanka adiga qaado iyo Ra’iisul Wasaarahaaga iyo inta mas’uuliyadda markaas kula heysa, cid kale haku aaminin”, ayuu yiri Rooble oo wareysi siiyay Idaacadda VOA.

