Waxaa maanta lasoo gaba-gabeynayaa Khudbadaha musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Shalay oo arbacado aheyd waxaa khudbado jeediyay 20-musharax oo u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya,waxaana kamid ahaa Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, Xasan Cali Kheyre, iyo xubno kale.
Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa qudbad u jeedin doona xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.
Howlka shalay ayaa u muuqday mid faaruq ah,waxaana maanta lagu wadaa in ay tagaan xildhibaano badan oo taageero u ah Madaxweynayaashii Hore.
Amaanka howlka teendhada afisiyooni ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana amniga sugaya ciidamadda Atmis iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

