Al-shabaab ayaa weerar madaafiic ahaa ku qaaday saldhig ay ciidamada ATMIS ku leeyihiin xaafado ka tirsan Biyo Cadde ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka Madaafiicda ayay Al-shabaab Saldhiga Deegaanka Biya Cadde ku garaaceeen xili dadka ay jiifeen,waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay waxaa madaafiicda ku dhintay Haweeney umul ahayd iyo ilmo yar oo ay dhashay,sidoo kale waxaa ay wararka sheegayaan in shan ruux oo rayid ah ay ku dhaawacmeen madaafiicda.
Ciidamada ATMIS iyo kuwa dowlada ayaa madaafiic ugu jawaabay weerarka lagu soo qaaday.

