Wasiirka Batroolka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa si faahfaahsan kaga hadlay heshiiska Shidaalka Soomaaliya oo dood badan ay ka taagan tahay.
Wasiirka ayaa sheegay in heshiiska Shidaalka uu la ogaa Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), islamarkaana lagu qaatay lacag dhan 7 milyan oo dollar isla markaana la saxiixay 15kii bishan Febraayo.
“Aniga iyo Madaxweyne Farmaajo aad ayaan isaga war qabnay muddo dheerna waan ka wada shaqeyneynay heshiiskan, hadey noqoto, sharcigii batroolka, in shirkadaha aan heshiiska la gaarnay ay Xamar yimaadaan, intaba madaxweynaha ayaa si gaar ah howshaan iila waday.” ayuu yiri Wasiirka Batroolka.
Waxa uu sheegay Wasiirka Batroolka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdirashiid in heshiiska uu soo bilowday sanadkii 2013-kii xiligaas uu dalka hogaaminayay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.
Dhanka kale waxa uu sheegay halka ay ku yaalaan xirmooyinka uu saxiixay isagoo sheegay inay ku kala yaalaan dowlad goboleedyada kala ah Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

