Guddiga doorashooyinka Maamulka Hir-shabeelle ayaa maanta qabanaya doorashadda lix kursi oo kamid ah Golaha shacabka ee baarlamaaanka Federaalka Soomaaliya.
Kuraasta loo tartamayo ayaa kala ah HOP#008 HOP#015 HOP#074 HOP#086 HOP#109 HOP#274.
Xubanaha maanta la dooranayo waxaa kamid ah agaasimihii Hore ee Hay’adda Nabadd Sugidda iyo sirdoonka qaranka Dowladda Soomaliya Fahad Yaasiin kaasi oo sanadkaan doonaya Hop086,balse waxa uu la kulmayaa culeysyo.

