Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa Madaxtooyada Magaalada Beledweyne waxaa ku soo booqday Lataliyaha Amniga Qaranka Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ahna Musharax Xilibaan Golaha Shacabka.
Lama Sheegin waxyaabihii loogaga hadlay kulanka, hase yeeshee waxa uu noqday kulankii ugu horeeyey oo uu Fahad Yaasiin sawir la galo mid ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka shantii sano ee la soo dhaafay.
Fahad Yaasin ayaa u sharaxan Maanta kursiga Hop-086 ee yaala magaaladda Beledweyne,kaasi oo afartii sano aynu soo dhaafnay uu ku fadhiyay Xildhibaan Faarax Shiikh C/qaadir.




