Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo iyo dagaalo xalay ka dhacay qeybo kamid ah magaaladda Muqdisho.
Dagaalyahano hubeysnaa ayaa xalay weeraro qaraxyo ku bilowday ku qaaday Saldhiga Degmadda Kaxda ee Magaaladda Muqdisho.
Weerarka koowaad ayaa ka dhacay Saldhiga Degmadda Kaxda ee gobolka Banaadir,wuxuuna isugu jirey qaraxyo iyo weerar toos ah.
Saraakil ka tirsan Dowladda Soomaaliya Ayaa sheegaya in dagaalyahano Hubeysnaa ay saldhigyo qaraxyo kusoo galeen,islamarkaana halkaas uu ka dhacay dagaal culus.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in la iska caabiyay ragga weerarka soo qaaday,islamarkaana khasaare uu jiro.
Dhanka kale qaraxyo iyo rasaas ayaa laga maqlay xaafadda Daaru-Salaam ee degmada Yaaqshiid iyo deegaanka Calamadda ee Duleedka magaaladda muqdisho.
Mamulka Degmadda Kaxda ayaa dhankooda sheegay in ay iska caabiyeen ragii so weeraray,islamarkaana saldhiga iyo xarunta Degmadda ay haatan ku sugan yihiin Ciidamadda Dowladda.
Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka iyo qaraxyadda xalay ka dhacay Degmadda Kaxda e magaaladda muqdisho.

