Guddiga Maamulka doorashada Hirshabelle SEIT ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 6 kursi oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baladweyn ee Gobolka Hiiraan.
Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in doorashadda kuraastaan la qaban doono 20-ka bishaan.
Kuraasta la shaaciyay qabashada doorashadooda waxaa kamid ah kursiga HOP-086 uu sanadkaan doonayo agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadd Sugidda iyo sirdoonka qaranka Dowladda Soomaaliya Fahad Yaasiin, uu muddo ku fadhiyay Xildhibaan Faarax C/qaadiir oo dalka dibadiisa ku maqan.


