Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Dowladd Goboleedka Galmudug ayaa shaaciyay jadwalka doorashada kursigii u dambeeyay kuraasta Aqalka Sare ee BJFS, kursigan waxa hore ugu guulaystay Sen. Yuusuf Geelle Ugaas oo iska casilay intii aan la siin shahaadada xildhibaannimo.
Qoraaal kasoo baxay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Galmudug Maxamed Daahir Guuleed ayaa lagu sheegay in doorashadda kursigaan lagu qaban doono Magaaladda Dhuusa-mareeb Taariikhda marka ay tahay 16-ka bishaan.
Kursigaan waxaa ugu cad cad in uu kusoo baxayo wasiirka maaliyadda ee maamulka Galmudug Farxaan Cali Maxamuud.


