Nabadoon Caan ahaa oo Xalay Lagu Dilay Magaaladda Beledweyne

0

Kooxo hubeysnaa ayaa xalay Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan Ku dilay Mid kamid ahaa Nabadoona sida weyn loogu yaqaanay magaaladda.

Dilkaan ayaa ka dhacay xaafada Buundoweyn oo kamid ah xaafadaha magaalada Beledweyne.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Nabadoon Cabdi Xuseen Coloow oo kamid ahaa Odayaasha dhaqanka magaalada Baladweyne.

Sida ay xaqiijiyeen gooboogayaal kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa ka dambeeyay dilka Nabadoonka oo fadhiyay gurigiisa hortiisa,waxayna ka baxsadeen goobta.

Ala Ha u Naxariistee Nabadoon Cabdi Xuseen Coloow ayaa kamid ahaa Odayaal shalay heshiis la gaaray Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo beledweyne ku sugan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here