Faah-faahin:-Weerar Lagu Qaaday Masjid ku yaala Degmadda Afgooye

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay lagu qaaday Masjid ku yaala Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Rag hubeysnaa ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen Masjidka ku yaala Degmadda oo xiligaas lagu tukanayay salaadiii Cishaha.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaan ku dhintay hal ruux,halka laba kale ay ku dhaawacmeen.

Ilaa haatan lama oga cidda ka dambeysay weerarkan lagu qaaday masjidka ku yaal Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana goobta ka baxsaday raggii ka dambeeyay weerarka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Degmadda Afgooye oo loogu hadlaayo weerarka dhacay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here