Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Dowladd Goboleedka Galmudug ayaa shaaciyay Guddiga Xulista Ergada kuraas kamid ah Golaha shacabka oo lagu dooranayo Magaaladda Dhuusa-mareeb.
Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in kuraasta kala ah 1. HOP#025 2. HOP#081 3. HOP#053 ayaa soo xulayaa kursi walba 3-Nabadoon iyo laba kamid ah Ururada Bulshadda rayidka.
Doorashadda kuraastaan ayaa ka dhacaysa Magaaladda Dhuusa-mareeb 12-ka bishaan February oo ku beegan maalinta sabtida todobaadka dambe.
“Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Dowladd Goboleedka Galmudug waxa ay shaaciyaan Guddiga Xulista Ergada kuraasta hoos ku xusan oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacbka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Dhuusamareeb”,ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.


