Faah-faahin:-Ciidamo ka tirsan Ethopia oo Lagu Qarxiyay Gobolka Hiiraan

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax lala eegtay Ciidamo Ka tirsan kuwa Ethopia oo qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Qaraxaan ayaa ka dhacay deegaanada Ceelgaal iyo Kalabeyrka ee gobalka Hiiraan.

Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa lala eegtay Kolonyo ka Tirsan Ciidamadda AMISOM oo marayay halkaas,waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamadda AMISOM.

Ciidamada Qaraxa lala beegsaday ayaa waxay kasoo kasoo baxeyn magaalada Baladweyne si ay ula soo wareegaan sahay ciidan oo taalla xad kala qeybiya Hiiraan iyo Ethopia.

Qaraxa ayaa haleelay mid ka mid ah gaadiidkii kolonyada Ciidamadda Ethopia, kaas oo gebi ahaanba burburay, lama oga tirada ciidanka saarnaa iyo khasaaraha gaaray intaba.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxan, waxaana ay sheegeen inuu qeyb ka yahay weerarada ay ku ugaarsadaan ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here