Guddiga Doorashada Maamulka Galmudug ayaa saakay qabtay Doorashada Kursiga nambarkiisu yahay HOP#139 oo ay isku diiwaangeliyeen musharraxiinta kalana ah:
1- Cabdisamad Macallin Maxamuud Xasan iyo
2- Xamdi Cali Shire.
Waxaa ka tanaasulay tartanka Xamdi Cali Shire iyadoo ergadu hab gacan taag ah ugu codeeyeen musharrax Cabdisamad Macallin Maxamuud Xasan waxaana oggol ugu codeeyey 101 oo dhammaan ergada ah.
Sidaa daraadeed waxaa ku guuleystay doorashada kursi HOP#139 Musharrax Cabdisemad Macallin Maxamuud Xasan oo helay 101 cod.

