Maamulka Puntland oo Soo Saaray Amaro Culus oo Amniga La Xiriira

0

Guddiga Amniga Gobolka Nugaal Oo Ka Duulaya Habsami U Socodka Amniga Doorashada Barlamanka Aqalka Hoose Soomaliya Ayaa Sheegay In Howl Galo Lagu Xaqiijinayo Amniga Biri Laga Sameyn Doono Gudaha Caasimadda.

Gudiga Amniga Gobolka Nugaal Ayaa Faray Ciidamada Sugaya Amniga Caasimada Inay Qabtaan Qofkii Qori Wata Oo An Ku Jirin Ciidamada Shaqaynaya.

Gudiga Amniga Ayaa Bulshada Garowe Ugu Baaqay Inay La Shaqeyaan Laamaha Amniga Garowe Cid Walba Oo Lidi Ku Ah Amniga Caasimada Lala Socod Siiyo Ciidamada Shaqaynaya Si Loo Qabto.

Gudiga Amniga Gobolka Nugaal Ayaa Sheegay In Gadiidka Ciidamada Ma Ahane Gaari Kale Oo Ciidan In Aan Lagu Dhex Arki Karin Gudaha Caasimada.

Gudiga Amniga Gobolka Nugaal Ayaa Bulshada Ka Codsaday Inay La Shaqeyaan Lamaha Amniga Si Loo Wada Ilaaliyo Nabad Galyada Caasimadda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here